Followers26
|
Following2
|
Tracks69
|
Waxaanu nahay ragg iyo haween Soomaaliyeed oo raacay Ciise Masiix. Waxaanu si buuxda u aamin sanahay Ciise Masiix, Isaga oo ah Wankii Ilaahay qaadayna danbigeenii, isla markaas na nasiiyey fursad aan xidhiidh kula yeelan karno Ilaahay marlabaad, iyo inaanu helnay hadyadii Badbaadada ee Ilaahay.
Iimaan kayagu waa uu kor dhaa maalin kasta waxaananu baranayna jidkii Ciise Masiix iyo sidii Warka Wanaagsan u gaadhi lahaa ummada Soomaaliyeed. Waxaanu nahay xer ay ka go’an tahay in midba midka kale jeclaado, oo si wada jir ah u wada shaqeeyaan. Ciise Masiix waxa uu noo sheegay in nala silcin doono sidii Isaga.
Ciise Masiix wuxuu siliceena u isticmaalay in uu ku badalo nafaheena. Marnaba kuma noqon doono mugdigii aan ka soo baxnay. Waxaanu aragnay Iftiinka, waxaanu ogaanay runta. Waxaanu xidhay, oo lana jirdilay, oo lana silsiladeeyey, oo lana gu maadaystay oo xitaa waa lana khiyaamay. Laakiin intaas oo kaleba waxay ku dhacday Ciise Masiix.